Howlgal ka dhacay degmada Waajid oo lagu dilay 25 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

WAAJID (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano dhaca galbeedka degmadaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday inay howlgalkan ku dileen 25 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan ajaaniib, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa intaasi ku dareen inay qabteen xubno kale oo dhaawacyo ah, kana tirsan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here