Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay hawlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Moora Gaabey, oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan magaalada Xudur, xarunta maamulka gobolka Bakool.
Hawlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana natiijadiisa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxdaasi, oo ay ku jireen 3 hogaamiye oo sare, kuwaas oo si toos ah ugu lug lahaa falal amni darro iyo dhibaatooyin ka dhan ah shacabka deegaanka.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku burburinayaan shabakadaha argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay in hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan, ilaa laga xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni buuxda guud ahaan dalka.




