Howlgal lagu beegsaday ISIS oo ka dhacay Buuralayda gobolka Bari

0

MUQDISHO [SMN] – Howlgal Wadajir oo ay fuliyeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo la shaqeynayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay buuraha Golis ee goblka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda ISIS.

 

Xog horudhaca ah ee laga helay howglka oo dhacay xalay fiidkii ayaa muujinaysa in dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS- la dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka, walina waxaa socda tirakoobka khasaaraha cadowga lagu gaarsiiyay howlgalka.

Duqeymahan oo lala beegsaday goobo ay gabbaad ka dhigayanayeen Daacish ayaa lagu taageerayay howlgal ballaadhan ee Ciimada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ka wadaan Buuralayda Caalmiskaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa saaxiibadeeda sida AFRICOM, waxaa ka go’an sii wadida hawlgallada lagu ciribtirayo Kooxaha ISIS iyo Alshabaab oo khatar ku ah amniga iyo nabad galyada Soomaaliya.

May be an image of ‎text that says '‎Ministryo وزارة Howlgal beegsaday khawaarijta ISIS oo dhacay Buuralayda 26, Maarso Muqdisho, Ciidamada Maraykanka 2025: Howlgal Wadajir Afrika (AFRICOM) dowlad ayaa Federaalka Soomaaliya goboleedka bartilmaameedsaday kooxda argagixisada dhacay buuraha Puntland shaqeynayaa Dowladda goblka Soomaaliya, kuwaas Xog horudhaca ee muujinaysa laga helay dhowr xubnood wax khasaare howglka 00 ka dhacay tirsan ISIS- xalay khasaaraha cadowga fiidkii dilay, ayaa gaaray shacabka, walina iyadoo aysan jirin gaarsiiyay howlgalka. socda tirakoobka beegsaday argagixisada arxanka darran goobo gabbaad Daacish ciribtirayo khawaarijta ayaa lagu taageerayay Ciimada goboleedka Puntland ka wadaan Buuralayda Caalmiskaad Federaalka Soomaaliya khawaarijta ISIS iyo Alshabaab garabsanaysa hawlgallada saaxiibadeeda qatar ku amniga nabad‎'‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here