Bariire, Soomaaliya – In ka badan 50 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ay si guul leh u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo ka dhacay magaalada istaraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay AUSSOM Axaddii.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in tiro kale oo badan oo ka tirsan kooxda argagixisada ay ku dhaawacmeen intii uu socday howlgalka, iyadoo ciidamada isbahaysiga ay xoojinayaan dadaalladooda lagu xoreynayo Bariire iyo deegaanada kale ee weli ku jira gacanta Al-Shabaab.
“Ciidamada AUSSOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aan adag ka gaareen in ay dib u qabsadaan Bariire iyo dhammaan dhulalka wali ay haystaan Al-Shabaab si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amni buuxa oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), oo ka hadlayay magaca AUSSOM.
AUSSOM ayaa sidoo kale beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha iyo dibadda oo sheegaya in ciidamadooda ay khasaare weyn kasoo gaaray howlgalkaasi.
Magaalada Bariire, oo qiyaastii 73 kiiloomitir u jirta caasimadda Muqdisho dhanka koonfur-galbeed, ayaa ah magaalo muhiim u ah dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, maadaama ay tahay deegaan beeraley ah oo istaraatiiji ah.
Kooxda Al-Shabaab oo muddo ka badan 16 sano ka waday falal argagixiso gudaha Soomaaliya, ayaa si joogto ah u bartilmaameedsata ciidamada amniga, mas’uuliyiinta dowladda, iyo shacabka aan waxba galabsan.
Waxaa la filayaa in howlgalka Bariire uu noqdo bilow horleh oo lagu xoreeyo deegaannada ay wali ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.




