Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Hay’adda NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

 

NISA ayaa sheegtay in howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dharaarweyn lagu dilay ugu yaraan 23 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in la burburiyay saddex gaari oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalkaasi.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 23 Khawaarij ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid ay wateen, howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedk kasoo baxay NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here