Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda Al-Shabaab ka abaabuli jireen falal amni-darro, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka. Sida lagu xaqiijiyay howlgalkaas, waxaa lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu burburiyay gabi ahaanba hub iyo gaadiid ay kooxdaasi u adeegsan jirtay falalkooda argagixisanimo, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo dhagartooda.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, si loo sugo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.





