Howlgal Militeri oo laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Jowhar, Agoosto 4, 2025 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay fuliyay howlgal qorsheysan oo amniga lagu xaqiijinayo, kaasi oo ka dhacay deegaannada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaannadaas, iyagoo ku hawlanaa falal ay kamid yihiin dhac, cabsi gelin iyo dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo joogto ahaa.

War kasoo baxay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay si buuxda uga sifeeyaan deegaannadaas xubnihii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir dhow la lahaayeen ururka Al-Shabaab, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno la xiriira doorkooda ku aaddan taageerada kooxda.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada hoos taga gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga xaqiijiyo nabad buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here