Howlgalka Gaashaan oo lagu dilay Hogaamiye Al-Shabaab ah oo qaraxyada qaabilsanaa

0

MUQDISHO — Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal si qorsheysan loo fuliyay ka sameeyay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

Hogaamiyaha la dilay, oo lagu magacaabi jiray Xasan Siidoow Xuseen, ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay diyaarinta qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka.

Waxa uu door muhiim ah ku lahaa abaabulka iyo hagista weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Gaashaan oo muddo dheer raadinayay, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in howlgalka xalay lagu soo afjaro Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisii oo la socday xilligii hawlgalku dhacay.

NISA ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay kordhiyeen dadaalka lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka iyo in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka, iyagoo ballan qaaday in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa laga baabi’iyo khatar kasta oo amni.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here