Howlgalka NISA ee Ceel-weyne oo Lagu Laayay 23 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho, November 03, 2025 – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa shalay howlgallo qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay, gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Ciidanka NISA ayaa howlgalkan qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay halkaas isugu keeneen maleeshiyaadkooda, si ay uga abaabulaan falal khatar ku ah amniga deegaanka.

Sidoo kale, 30-kii October 2025, goobtan waxaa ka dhacay hawlgal la mid ah oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Intii uu socday howlgalkan, waxaa si buuxda looga hortagay wax khasaare ah oo gaaray shacabka deegaanka. Ciidanka NISA ayaa amniga iyo xasilloonida ku adkeeyay gobolka, iyadoo tallaabooyin dheeraad ah lagu xaqiijinayo in kooxda Al-Shabaab aysan ku sii fidi karin falalka khatarta ah ee halkaas ka socda.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here