Bariire, Soomaaliya – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen howlgallo ballaaran oo dhinaca cirka ah, kuwaas oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolkaas.
Howlgalladan oo ay fuliyeen ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen hogaamiyaal katursan Al-Shabaab, kuwaas oo sida lagu sheegay qorsheyaal ka waday deegaankaas maalmahan la soo dhaafay.
Hay’adda NISA ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya guriga la duqeeyay ka hor iyo kadib weerarka, iyadoo mid kamid ah sawirrada laga arkayo ilaa afar xubnood oo gudaha u galaya guriga kahor inta aan la duqeynin, taasoo caddeyneysa in gurigu uu ahaa meel ay Al-Shabaab si joogto ah u isticmaali jireen.
War rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu yiri:
“Ciidamada hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka ee NISA waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo deegaankaas ka maleegayay falal amni darro.”
NISA waxay intaas ku dartay in howlgalka lagu gaarsiiyay khasaare culus kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku baacsanayso kooxaha argagixisada ah ee ku sugan koonfurta dalka.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maalmahan u dambeeyay marti u ahaa howlgallo militari oo joogto ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa amniga ay ku dadaalayaan in ay ka sifeeyaan Al-Shabaab deegaannada ay gacanta ku hayaan.




