KISMAAYO, Soomaaliya – Wararka naga soo gaaraya deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab iyo Ururka 56-aad ee guutada 11-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Malaaleey, Araare, Koban, Janaale Jay iyo Reeynero oo ku yaalla jiinka wabiga Jubba.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen maamulka Jubbaland, howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku sugnaayeen, waxaana la sheegay in jab xooggan lagu gaarsiiyay, iyadoo la burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen laguna dilay dagaalyahanno badan oo katirsanaa Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysa guud ahaan gobolka Jubada Dhexe, iyadoo sidoo kale maamusha deegaano kale oo gobolada Gedo iyo Jubada Hoose katirsan.
Ciidamada Kenya ayaa ka caawinaya maamulka Jubaland sugida amniga Kismaayo iyo degmooyin kale, oo Afmadow iyo Dhoobley ay kamid yihiin, kuwaasoo xasilooni ay ka jirto.



