Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Bariga Galgaduud

0

CEELDHEER – Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa ka soconaya deegaano ka tirsan Bariga gobolka Galgaduud, kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil milatari.

 

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil sare ayaa kusii qulqulaya gobolka, iyaga oo saldhigyo cusub ka sameysanaya aagga Ceeldheer iyo deegaannada ku hareeraysan si loo dardargeliyo howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday difaacyada hore ee ciidamada Qaranka ee ku sugan Ceeldheer.

Booqashadiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo weerarrada lagu ciribtirayo Al-Shabaab islamarkaana looga saarayo deegaanadii ay ku sugnaayeen.

Taliye Sahal ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa, isaga oo warbixin ka dhageystay xaaladda dagaal iyo amniga guud ee gobolka.

Wuxuu ugu hambalyeeyay guulaha ay ciidamada Xoogga Dalka ka gaareen dagaalka, wuxuuna kula dardaarmay in la sii kordhiyo dadaalka si dalka looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in wejiga cusub ee howlgalka uu diiradda saari doono in la xoreeyo dhammaan deegaanada wali gacanta ugu jira kooxda, iyadoo ay jiraan qorshayaal lagu xoojinayo sugidda amniga marka la xoreeyo dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here