JOWHAR – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Al-Shabaab, ayaa inta uu socday ciidanka waxa ay gacanta ku dhigeen qaraxyo Al-Shabaab ku dhibaateen rabtay shacabka Soomaaliyeed iyo agabyo kale oo ay ka carareen, waxana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa Al shabaab oo ay iskaga firxadeen.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).
Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgallo culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Ciidanka XDS ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.




