Balad-Xaawo, Gedo – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa hub ka dhigis ku sameeyay cutubyo maleeshiyaad ah iyo ciidamo horay ugu taabacsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo ku sugnaa degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo xaaladda amniga ee gobolka Gedo ay muddooyinkii dambe ahayd mid cakiran, iyadoo ay jireen isku dhacyo iyo khilaafaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Jubbaland ayaa dhawaan shaacisay inay si buuxda ula wareegtay amniga degmada Balad-Xaawo iyo deegaannada hoos yimaada, kuwaasoo markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Federaalka.
War kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamadaasi hadda la hub ka dhigay ama dib u habeyn lagu sameeyay, iyadoo la qorsheynayo in qaar kamid ah la geeyo xerooyin tababar si loogu diyaariyo waajibaadkooda amni.
Wararka ka imaanaya degmada ayaa sheegaya in magaalada ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya madaxda Jubbaland iyo masuuliyiin deegaanka ah, kuwaasoo diiradda saaraya sugidda amniga iyo sidii loo yareyn lahaa khilaafka taagan.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda gobolka Gedo ayaa ah mid weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa isku dhac hor leh oo u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ee weli ku sugan degmada Balad-Xaawo.
Ma jiro weli wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ku saabsan arrintan.




