Idiris Maxamed oo usoo gacan galay Hay’adda NISA

0

MUQDISHO (SMN) – Idiris Maxamed Sh. Maxamed Nuur oo muddo dheer ka mid ahaa Kooxda AS ayaa u soo gacan galay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Idiris ayaa lagu qabtay 19-ka bishii la soo dhaafay Degaanka Mareergur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo wareejiyay Hay’adda NISA.

Shaqsiyagan oo ay Hay’adda ku raadjoogtay in muddo ah, ayay qabashadiisa dharbaaxo kulul ku tahay Kooxda AS, sida ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here