IGAD iyo SSC-Khaamtumo oo ka wada-hadlay maxaabiista ay ka qabsatay S/LAND

0

LAASCAANOOD (SMN) – Maamulka KMG ah ee SSC-khaatumo iyo urur goboleedka IGAD ayaa ka wada-hadalay arrimo ku aadan maxaabiista ay kala qabsadeen iyaga iyo Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

IGAD ayaa SSC kala hadashay suurtagalnimada inay sii deyso maxaabiista ay gacanta ku heyso, si ay Somaliland isku dhaafsadaan dadka ay lala haystaan.

SSC-Khaatumo ayaa shuruud adag ku xirtay sii deynta maxaabiista ay haysato waxayna sheegtay in marka hore ay labada dhinac galaan wadahadallo maamulo siman oo kale, ayna sidaas ku wada hadlaan iyaga iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in maxaabiista u xiran la qabtay, iyaga oo dambiga gacanta kula jira, isla markaana ay horgeyn doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Saraakiisha u xiran maamulka Khaatumo,waxaa ku jitra  5 kamid ah hoggaamiyeyaashii qeybaha ugu muhiimsanaa ciidanka Somaliland, kuwaas oo qaarkood warbaahinta ka hanjabi jiray intii uu socday dagaalkii culus ee aagga magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here