Ilhaan Cumar oo loo maleegayo shirqool ay wadaan Xildhibaano Jamhuuriga katirsan

0

WASHINGTON — Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa ku baaqay in Waaxda Caddaaladda (Department of Justice) ay baaritaan ku sameyso dhalashada Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya.

 

Xildhibaanada, oo kala ah Randy Fine (R-Fla.) iyo Andy Ogles (R-Tenn.), ayaa sheegay in baaritaanka uu qayb ka yahay dib-u-eegis guud oo lagu samaynayo muwaadiniinta la siiyay dhalashada Mareykanka.

Fine ayaa ugu baaqay Waaxda Caddaaladda in ay baaritaanka ka bilowdo musharraxa duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, oo uu ku eedeeyay in uu jebiyay xeerarka muwaadiniyadda. Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale Ilhaan Cumar ay mudan tahay in la baaro.

“Dad qaar ayaa dalka u yimaada si ay u burburiyaan,” ayuu yiri Fine, isaga oo ku baaqay in dadka si khaldan ku helay dhalashada Mareykanka laga laabto muwaadiniyadooda lagana masaafuriyo dalka.

Ogles, oo taageeray hadalka Fine, ayaa Mamdani ku tilmaamay “halis shuuci ah,” isagoo ku dooday in mowqifyada siyaasadeed ee Ilhaan Cumar — gaar ahaan dhaleeceynta ay u jeediso siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka — ay sabab u tahay in baaritaan federaal ah lagu sameeyo.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa matasha degmada 5-aad ee gobolka Minnesota. Waxay ka soo qaxday Soomaaliya xilligii dagaalkii sokeeye, waxayna dib u dejin ku heshay Mareykanka. Sanadkii 2018, waxay noqotay mid ka mid ah labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Kongareeska Mareykanka.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka weli kama aysan hadlin dalabka baaritaanka ee ay xildhibaanadu gudbiyeen, halka xafiiska Ilhaan Cumar uusan si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here