Ilhaan Cumar oo si kulul uga jawaabtay weerarkii Trump: “Waa nacayb ka dhashay fashilkiisa”

0

WASHINGTON — Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag uga jawaabtay eedaymihii dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ku saabsanaa iyada iyo bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.

 

Waxay hadallada Trump ku tilmaantay kuwo ku dhisan nacayb, ajnabi-nacayb iyo Islaam-nacayb, iyadoo sheegtay inuu xog khaldan u isticmaalayo si uu u qariyo fashilka maamulkiisa.

Ilhaan Cumar ayaa ku eedeysay Ciidanka ICE inay si aan habboonayn u beegsadaan dad Soomaali Ameerikaan ah, iyagoo fulinaya amarka Trump.

Mar ay ka hadlaysay Canshuuraha cusub ee Maamulka Trump soo kordhiyay, ayaa Ilyan waxay sheegtay inuu Madaxweynaha Mareykanka kordhiyay qiimaha raashinka iyo adeegyada aasaasiga ah, taasoo shacabka ay kala kulmeen sicir barar.

Waxay Ilhan Omar cambaareysay Hawlgallo Ciidamada Mareykanka ka fuliyene dalalka dibadda ah, oo ku tilmaantay sharci-darro iyo Faragelinta, gaar ahaan weerarkii ka dhanka ahaa Venezuela iyo hanjabaadaha qabsashadda jaziiradda Greenland.

Ilhaan ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri: “Madaxweynuhu wuxuu ogyahay inuu fashilmay, sidaas darteed wuxuu dib ugu laabanayaa wixii uu ku caanka ahaa: inuu indhaha dadka ka weeciyo fashilkiisa isagoo kicinaya nacayb.”

Xildhibaanadu waxay intaas ku dartay in bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ay yihiin dad adkeysi leh oo qayb weyn ka ah guusha gobolka, isla markaana aan lagu cabsi gelin karin eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn.

Hadalka Ilhaan Cumar ayaa ka turjumaya xiisadda sii kordheysa ee siyaasadda gudaha Mareykanka, gaar ahaan arrimaha jinsiyadda, dhaqanka, iyo siyaasadda qowmiyadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here