Imaaradka Carabta oo si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO – Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si adag u cambaareysay weerarkii argagixiso ee Axadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada tiro dhalinyaro ah oo ku sugnaa xerada ciidan iyagoo doonayay inay ku biiraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa weerarka lagu tilmaamay “falkii dembiyeed ee arxan darrada ahaa”, iyagoo mar kale adkeeyay diidmada buuxda ee dalkooda uu ka qabo dhammaan noocyada rabshadaha iyo ficillada loogu talagalay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sidoo kale tacsi u dirtay dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa, iyagoo muujiyay taageeradooda joogtada ah ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xaqiijiyay in weerarku uu dhacay xilli ay dhalinyaro badan ku sugnaayeen afaafka hore ee xero ciidan, halkaasoo ay ku sugnaayeen si ay isu diiwaan geliyaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxdan ayaa tan iyo 2007 weerarro joogto ah ka geysanaysay gudaha dalka, iyadoo hadda dagaal kula jirta ciidamada dowladda si ay u ballaariso saameynteeda gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa la mid ahaa mid horey sanadkan uga dhacay xerada Damaanyo ee Muqdisho, kaasoo sidoo kale ay Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here