Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo si Rasmi ah Looga Bilaabay Dalka

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Kumanaan arday ah ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, kaas oo ah midka ugu dambeya ee nidaamka waxbarashada sare ee dalka. Imtixaankan oo qayb ka ah sanad dugsiyeedka 2024/2025, ayaa si guud uga furmay qaar kamid ah gobollada dalka.

 

Ardayda ayaa saaka lagu arkayay iyaga oo isugu tagay xarumaha kala duwan ee dowladda u asteeysay imtixaanka, iyadoo si habsami leh loo abaabulay una socday si nabdoon. Imtixaanka sanadkan ayaa ardayda u diyaariyay 12 maado, taas oo muujinaysa horumarka iyo ballaarinta nidaamka waxbarasho ee dowladda Federaalka.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay imtixaanka, isagoo uga mahadceliyay ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta dadaalkooda, kana codsaday in ay imtixaanka u galaan si daacadnimo iyo dulqaad leh. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in imtixaanka uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka tayeynta waxbarashada iyo dhismaha jiil aqoonyahan ah.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ayaa markii ugu horreysay la qaaday sanadkii 2015, waxaana sanadkan la galayaa sanadkii 11-aad. Tiradii ugu horreysay ee ardayda imtixaankaas u fariisatay waxay ahayd 3,522, halka sanadkii hore (2024) ay ka qeybgaleen 37,038 arday. Waxaa la filayaa in sanadkan tirada ay intaas ka badato, iyadoo Wasaaradda Waxbarashadu ay dhowaan shaacin doonto tirada rasmiga ah.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii imtixaankan uu u noqon lahaa mid hufan, caddaalad ah, isla markaana la jaanqaadaya heerarka waxbarasho ee caalamka, iyadoo si buuxda loo adkeeyay ammaanka iyo maamulka goobaha imtixaanka.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay garab istaagaan ardayda, una duceeyaan guul iyo guul-darro la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here