In ka badan 20 qof oo laga soo bad-baadiyay xeebaha maamulka Puntland

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dooni ay la socdeen 23 Soomaali ah laga soo bad-baadiyay xeebaha gobolkaasi, kadib cilad ku timid.

 

Doontan oo kasoo sharaacatay dekedda Mukala ee dalka Yemen ayaa ku degtay meel 60 KM u jirta dekedda magaalada Boosaaso, balse gurmad deg deg ah oo la soo sameeyay ayaa lagu soo bad-baadiyay dadkii saarnaa doonidaas oo dhammaantood ahaa Soomaali.

Mid kamid ah ragga lasoo bad-baadiyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna ka mahadceliyay gurmadka loo fidiyay.

Xeebaha Puntland ayaa waxaa marar badan ka dhacay shilal badan oo noocaan oo kale ah, kuwaas oo qaarkood geystay dhimasho iyo dhaawac, halka kuwa kalena ay ku hanti beeleen ganacsato Soomaaliyeed, kadib markii ay cilad ku timid gaadiidkii badda ee ay adeegsanayeen, si ay deegaanada maamulkaasi u gaarsiiyaan ganacsigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here