In ka badan 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgal militari oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

0

Muqdisho – In ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal militari oo wadajir ah oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, sida ay Khamiistii sheegtay Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

 

Howlgalka ayaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), AUSSOM, ciidamada Uganda (UPDF) iyo saaxiibbo caalami ah, wuxuuna ka dhacay deegaanka Bulunagaad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay AUSSOM ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka howlgalka ay ahaayeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa agagaarka saldhig ciidan oo hore (forward operating base) oo ku yaalla Bulunagaad, iyadoo ciidamada isbahaysiga ay heleen taageero cirka ah.

“Ayadoo la adeegsanayo weerarro dhulka ah oo isku dubbaridan iyo duqeymo cirka ah, in ka badan 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa la neutral-gareeyay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri bayaanka AUSSOM.

Sidoo kale, AUSSOM waxay sheegtay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay horay u qaadeen weerarro ka dhan ah ciidamada CXDS iyo AUSSOM intii lagu guda jiray howlgallo daba-gal ah oo lagu baacsanayay haraadiga Al-Shabaab ee laga saaray magaalada xeebta ah ee Gendershe iyo deegaannada ku teedsan wadada Jilib–Marka.

Howlgalka Bulunagaad ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo ay hoggaaminayso dowladda Soomaaliya, kaas oo loo bixiyay “Howlgalka Seef Qarsoon” (Operation Hidden Sword), lana doonayo in lagu beegsado saldhigyada iyo goobaha ay ku harsan yihiin Al-Shabaab ee gobolka.

AUSSOM ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya, oo ay taageerayaan Midowga Afrika iyo saaxiibbo caalami ah, ay si “degdeg ah oo go’aan leh” u qaadeen tallaabooyin lagu ciribtirayo khataraha argagixiso ee ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka ku nool deegaanka.

Haddii aad hayso Macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda AS.

👉 Wac ☎️ 0611169105.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here