In ka badan 35,000 oo Arday ah oo u fariistay Imtixaanka Fasalka 8-aad

0

MUQDISHO (SMN) – Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtaxanaadka fasalka 8aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay maanta u fadhiisatay 35,307 Arday oo ka kala tirsan 656 School oo ka mid ah Dugsiyada Muqdisho.

 

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in Ardayda maanta imtixaanka u fadhiisatay ay tiradooda u kala qeybsanto 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdha ah oo ay qaar kamid ah yihiin Dadka Baahiyaha gaarka ah qabo, kuwaas oo si guud ugu Fadhiistay qaadista imtixaanka fasalka 8aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir, waana Sanadkii 5-aad oo Maamulka Gobolka Banaadir qaadaya imtixaankani.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa Ardayda maanta u fadhiistay imtixaanka u rajeeyay natiija wanaagsan oo wax ku’ool ah, isaga oo Sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhiiragalinayo fursada lagu horumarinayo Waxbarashada Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here