In ka badan 60 kamid ah Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal gaar ah – NISA

0

Muqdisho – 06 Juun 2025: In ka badan 40 katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

 

Howlgalkaasi oo ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab isku qarinayeen, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howlgalkan, Abuu Anas, oo ay Al-Shabaab ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo Al-Shabaab u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani otqo hadda ah hogaamiyihii ugu sarreeya ee jabhadaha Al-Shabaab.

Hogaamiyaashan oo qaar lagu dilay howlgalka, qaarna dhaawac culus lagu gaarsiiyay ayaa la rumeysanyahay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay abaabulka weerarada naf-la-caariga ah ee Al-Shabaab ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe, waxaana howlgalkaan uu si weyn u naafeeyay shirqoolladii ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaraha Al-Shabaab soo gaaray ayaa la filayaa in uu intaas ka sii badanyahay, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow u la socotaa qiimeynta natiijada howlgalka, waxaana dib laga soo gudbin doonaa wax kasta oo ku soo kordha howlgalkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Al-Shabaab, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada.

-DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here