Ingiriiska oo soo dhaweeyay go’aan ay Soomaliya ku diiday ciidamada Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho Michael Nithafriyankis ayaa sheegay go’aanka ciidamada Itoobiya ee qeyb-galka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika inuu horyaalo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya ay galayso wajiga cusub sanadkan 2025, iyadoo la wareegi doonto hogaanka howlgalka cusub ee midowga Afrika [AUSSOM], oo dalalka ka qeybgalaya lagu soo daray Masar, iyadoo tirada Ciidanka ay noqonto 11,000 askari.

Isagoo hadalkiisa sii wata, safirka Ingiriiska ayaa xusay in muhiim ay tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana uu sii socdo iskaashiga dhinaca amniga ah ee ka dhaxeeylabada dal, oo mudo dagaal kula jiray Al-Shabaab.

Danjiraha ayaa sheegay in UK taageersan tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee uu wado Turkiga, kuwaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda hadda ka dhex taagan Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Mawqifka dawladda UK waa in la helo waddooyin awood u siinaya ciidamada hadda jira inay si habsami leh ugu gudbaan howlgalka xiga, iyaga oo la jaan qaadaya yoolalka xasilloonida gobolka ee muddada dheer,” ayuu yiri safiirka Ingiriiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in hadii ay Itoobiya doonayso inay kamid noqoto dalalka qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta, ay ka noqoto heshiiska badda ay la gashay Somaliland horaantii sanadkan, iyo inay joojiso xad-gudubyadda madax-banaanida Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo in ka badan 4,000 askari ka jooga Soomaaliya, ayaa dhankeeda walaac xooggan ka muujisay amnigeeda iyo xasilloonida gobolka haddii ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS laga saaro Soomaaliya.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa difaaca adag gashay markii ay ogaatey in Masar oo cadaawad kala dhaxayso ay billowday inay hub kasoo dejiyo magaaladda Muqdisho bishii August islamarkaana ay shaacisay inay ciidamo usoo diray dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here