Iran oo ka Hadashay Dilka Cali Larijani iyo Saameynta ay ku Yeelan Karo Hoggaanka dalkaas

0

Tehran,Iran – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dilka Cali Larijani, oo ahaa xoghayaha awoodda badan ee Golaha Amniga Qaranka, uusan saameynta ku yeelan doonin nidaamka dalkaas oo Mareykanka iyo Israel ay rabaan inay bedelaan.

 

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, ka dib markii Iran ay xaqiijisay geerida Cali Larijani, ayuu Abbas Araghchi ku sheegay in Mareykanka iyo Israel aysan weli fahmin in xukuumadda Iiraan aysan ku tiirsanayn hal shakhsi oo keliya oo hadii la dilo burburayso.

Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay dilkii hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalka, Ayatollah Ali Khamenei, oo la dilay maalintii koowaad ee weerarada Mareykanka iyo Israel ee bilaabmay 28-kii Febraayo. Wasiirka wuxuu xusay in kasta oo uu khasaaruhu weynaa, haddana “nidaamka Iran uu sii jiri doono.”

“Ma jirin qof nooga muhiimsan hoggaamiyaha sare, xitaa markii isaga la dilay, nidaamka wuxuu sii watay shaqadiisii, waxaana isla markiiba la helay qofkii beddeli lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Cali Larijani oo 67 jir ahaa, wuxuu saaxiib dhow la ahaa Cali Khamenei iyo wiilkiisa Mojtaba Khamenei oo xilka dhaxlay. Dilkiisa oo dhacay habeenkii Isniinta ayaa ka dhigan in la waayay mas’uulkii 2aad ee ugu sarreeyay ee ku dhinta dagaalka.

Cali Larijani wuxuu ahaa shakhsi saameyn weyn ku dhex leh nidaamka Iiraan, islamarkaana afka ku difaaca dalkiisa. Wuxuu soo qabtay xilal sarsare oo ay ka mid yihiin:

Guddoomiyaha Baarlamaanka: Wuxuu hoggaaminayay muddo 12 sano ah 2008–2020.
Xoghayaha Amniga Qaranka: Wuxuu ahaa qofka go’aamiya siyaasadda amniga iyo tan Nukliyeerka.
Diblomaasi Sare: Wuxuu ahaa xiriiriyaha ugu muhiimsan ee u dhaxeeya hoggaanka sare, hay’adaha amniga Iran iyo saaxiibada gobolka.

Cali Larijani wuxuu ku dhashay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq sannadkii 1957, wuxuu kasoo jeeday qoys Shiico ah, kuwaas oo aad ugu dhowaa aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee iran, Ayatollah Ruhollah Khomeini. Qoyska Larijani waxay saameyn weyn ku lahaayeen nidaamka siyaasadeed ee Iiraan muddo tobannaan sano ah.

Wuxuu ahaa askari ka qeybgalay dagaalkii Iran iyo Iraq 1980. Muuqaalkiisa waxay dadka ugu dambeysay Jimcihii lasoo dhaafay isagoo ka qeybgalayay isku baxa Maalinta Qudus ee lagu taageerayay qadiyada Falastiin loogana soo horjeeday duulaanka Mareykanka iyo Israel.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in Jeneraal Gholamreza Soleimani, oo ahaa madaxa ciidamada Basij ee ka tirsan Ilaalada Kacaanka (IRGC), lagu dilay weerar ay ku sifeeyeen mid ay fuliyeen “cadowga Mareykanka iyo Sahyuuniyadda.”

Soleimani, oo lixdii sano ee la soo dhaafay hoggaaminayay ciidanka gudaha ugu awoodda badan, ayaa loo arkayay inuu yahay hoggaamiyaha muhiimka u ah iska caabinta Iiraan ee ka dhanka ah dagaalka Mareykanka iyo Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here