Iran Oo Lagu Sheegay Inay Weerari Karto Berbera Ka Dib Wadahadalladii Somaliland iyo Israa’iil

0

Somaliland – Wargeyska Addis Standard ayaa warbixin faahfaahsan oo uu daabacay ku sheegay in heshiis la sheegay inuu dhex maray Somaliland iyo Israa’iil uu abuuray walaac xooggan oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan khataro si toos ah u wajaha Dekedda Berbera.

 

Warbixintu waxay tilmaamtay in xaaladda kacsan ee ka aloosan Bariga Dhexe, oo ay si joogto ah uga dhacayaan weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), ay sare u qaadayso suurtagalnimada in kaabayaal istaraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika sida dekedda Berbera ay noqdaan bartilmaameedyo milatari. Wargeysku wuxuu sidoo kale xusay in xiriir kasta oo muuqda ama qarsoon oo ay Somaliland la yeelato Israa’iil uu soo jiidan karo cadowga Israa’iil ee gobolka.

Warbixinta ayaa iftiimisay digniin hore oo ka timid hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, Abdel Malek al-Houthi, kaas oo ku sheegay in joogitaanka Israa’iil ee dhul ka mid ah Somaliland uu noqon doono “xariiq cas”. Abdel Malek al-Houthi, oo kooxdiisu taageero siyaasadeed iyo mid milatari ka hesho Iiraan, ayaa ku goodiyay in ay weerari doonaan Berbera haddii lagu arko saldhigyo ciidan oo Israa’iil leedahay ama hawlo ay Israa’iil ka fulinayso dekeddaas.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa tan iyo bilowgii colaadda Gaza kordhisay weerarrada ay ku qaadayaan maraakiib ganacsi iyo bartilmaameedyo ay ku eedeeyaan inay la xiriiraan Israa’iil ama xulafadeeda, taasoo sii xoojisay walaaca amni ee ka jira dekedda Berbera.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta heshiiska la sheegay, haddana hadal-haynta iyo wararka isa soo taraya ay saameyn ku yeesheen qiimeynta amni ee dekedda iyo xasilloonida guud ee gobolka. Falanqeeyayaal amni ayaa ku boorriyay Somaliland inay si taxaddar leh u miisaanto xiriirrada ay la yeelanayso quwadaha ku lugta leh colaadaha Bariga Dhexe, si aysan u gelin khatar amni iyo danaha dhaqaale ee gudaha.

Ugu dambayn, Addis Standard wuxuu xusay in Dekedda Berbera ay door muhiim ah ka ciyaarto ganacsiga Geeska Afrika, isla markaana ay tahay halbowlaha dhaqaale ee Somaliland, taasoo ka dhigan in khatar kasta oo amni ay yeelan karto cawaaqib ballaaran oo ku fidi kara guud ahaan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here