Tehran / Abu Dhabi / Doha / Washington — Dalka Iran ayaa beegsatay ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka Qatar, Baxrayn, Kuwait, Iraq iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo la soo warinayo weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn (drones) ka dhan ah saldhigyada Mareykanka iyo magaalooyinka gobolka.
Baxrayn: Xarunta dhexe ee Guutada 5-aad ee Ciidanka Badda Mareykanka ayaa lala beegsaday gantaal.
Qatar: Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in gantaallo laga soo tuuray Iran lagu soo riday nidaamka difaaca ee Patriot, halka dhowr gantaal kale lagu burburiyay hawada.
Imaaraadka Carabta: Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimadda Abu Dhabi, halkaasoo ugu yaraan hal qof lagu dilay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah.
Kuwait: Saldhiga Al-Salem Air Base ayaa lagu beegsaday gantaallo.
UAE: Saldhiga Al-Dhafra Air Base ayaa la weeraray.
Bahrain: Saldhigga Mareykanka ee shanaad ayaa la bartilmaameedsaday.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa xaqiijiyay in weerarada gantaallada iyo drones-ka ay ka dhan yihiin dhanka Israel, ka dib markii ay ka jawaabeen duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku dhawaaqday:
In “Shacabka iyo Dowladda Iran waxay difaaci doonaan qarankooda, marna ma dhici doonto inaan cadowga isku dhiibno. Weerarka gardarada ah ee nalagu soo qaaday cawaaqibkiisa cid walba ayaa dareemi doonta.”
Imaaraadka Carabta ayaa weerarka ku tilmaamay:
“Ku xad-gudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka iyo sharciga caalamiga ah,” iyadoo sidoo kale sheegtay in ay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan weerarrada sii kordhaya.
Weerarradan ayaa sii hurin kara xiisadda gobolka Bariga dhexe, iyadoo iran ay cadaadis weyn saartay saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe.




