Isbeddel la filayo in lagu sameeyo hoggaanka Nabad-Sugidda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Warar hoose oo soo baxayo ayaa sheegaya in maanta la filayo in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee Hay’adda Nabad-Sugidda, kadib muddo laba sano ah.

 

Mahad Salaad oo xilkan soo hayay tan iyo dhamaadkii bishii May ee 2022-kii ayaa lasoo wariyay inuu haatan gudbiyay is casilaad, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ninkan ayaa doonaya inuu ka qayb-galo doorashada soo socota ee Galmudug, uuna isku sharaxo xilka madaxweynaha ee maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in isbeddelkan ay maanta sameyn doonaan xubnaha Golaha Wasiirada oo agaasime cusub ku magacaabi doono shirkooda todobaadlaha ah.

NISA ayaa kamid ah hay’adaha amni ee muhiimka u ah dalka, waxayna sidoo kale ka qayb qaadataa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here