MUQDISHO – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay gutaan waajibaadka Xajka sanadkan 1447H/2026 ay waajib tahay in si rasmi ah isku diiwaan geliyaan.
War-saxaafadeedka rasmiga ah ee ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay in nidaam hufan oo casri ah loo adeegsan doono diiwaangelinta xujeyda, si loo hubiyo in si cadaalad ah oo nidaamsan loo maamulo safarka barakeysan. Waxaa sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada Xajka lagu wargeliyay in ay si buuxda u raacaan nidaamkaas, iyadoo laga digay wax is-dabamarin iyo musuq-maasuq.
Lacagta Xajka ee sanadkan ayaa lagu sheegay inay tahay $4,543.5 (afar kun, shan boqol, afartan iyo saddex doollar iyo nus), taasoo la bixin doono bisha November 2025.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku adkaysay in dhammaan xujeyda Soomaaliyeed laga dhoofin karo oo keliya afar garoon oo si gaar ah loogu asteeyay arrimaha Xajka: Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, iyo Boosaaso. Waxa ay sheegtay in aan la oggolaan doonin in xujey laga dhoofiyo garoomo kale, si loo ilaaliyo habsami u socodka safarka, loogana hortago khaladaad dhici kara.
Wasaaradda Awqaafta ayaa ugu dambeyn ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay gutaan Xajka sanadkan, in ay si degdeg ah ula xiriiraan shirkadaha ruqsadda u heysta arrimaha Xajka, ayna ka fogaadaan kuwa aan sharciga waafaqsanayn.





