Isimada SSC-Khaatumo ee ku sugan Muqdisho oo war cusub soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah Isimada Dhaqanka SSC ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Garaadka ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladeed oo uu sheegay inay ku faraxsan yihiin arrinta Laascaanood, gaar ahaan dhibaato uu tilmaamay in lagu hayo dadka deegaanka.

Ma shaacin magacyada shaqsiyaadkaasi, balse waxa uu carabka ku dhuftay inay jiraan rag badan oo xiisadda Laascaanood uga faa’iideystay dano kale oo waa weyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay garab istaag u muujiyaan shacabka Laascaanood oo weli dagaal kula jira ciidanka Somaliland.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii dambe daganeyd, marka loo eego dagaalladii horay uga dhacay magaaladaan oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, maadaama dhowr bilood oo xiriir ah ay dagaalladu galeen, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac xoogan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay u fashilmay isku dayo la sameeyay oo ku aadan sidii loo qaboojin lahaa colaadaas, waxaana labada dhinac taasi beddalkeeda ay qaateen inay sii dagaalamaan, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee weli ka jira aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here