MUQDISHO – Waaberigii hore ee saakay ayaa dagaal culus uu ka dhacay xaafadda Horseed ee Tarabuunka, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo wata gaadiidka dagaalka ay isku dayeen in ay ka barakiciyaan dadka shacabka ah ee deggan halkaasi ilaa agagaarka African Village.
Ciidamada dowladda oo ku hubeysnaa qoryaha fudud iyo kuwa dhashiikaha ayaa la sheegay in ay ujeedadoodu ahayd in ay faarujiyaan deegaanka, hase yeeshee iska caabin xooggan ayay kala kulmeen rag hubeysan oo la sheegay in ay yihiin askar iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo la dagaalamay ciidamada dowladda, maadaama xaasaskooda iyo caruurtooda ay degan yihiin goobaha la doonayo in laga raro.
Dagaalka oo socday saacado badan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo barakac. Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaas xoogan la isku adeegsaday, iyadoo ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay iska horimaadka.
Muuqaallo ay soo duubeen dad deegaanka ah ayaa muujinaya taayiro la gubayo iyo dad cabanaya oo ka soo horjeeda qorshaha dowladda ee barakicinta, iyagoo ku andacoonaya in aan wax beddel degdeg ah ama qorshe dajin ah la siin.
Qaar ka mid ah dadka uu saameeyay dagaalka ayaa la hadlay warbaahinta Shabelle, iyagoo muujiyay dareenkooda cabsi iyo caro leh oo ku aaddan sida arrinta loo wajahayo.



