TEL AVIV – Israel ayaa sheegtay inay furtay “xiriir gaar ah” oo ay la leedahay Soomaaliya, inkastoo labada dhinac aanay lahayn xiriir diblomaasiyadeed, sida ay sheegtay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israel, Sharren Haskel, oo arrintan ku xirtay welwelka sii kordhaya ee dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.
Haskel ayaa wareysi siisay i24NEWS TV, iyadoo ka digtay in xasilooni-darrada gobolka ay saamayn ballaaran ku yeelan karto caalamka oo dhan. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Ururka Carabta (Arab League) waxayna muddo dheer diiday in ay la yeelato xiriir rasmi ah Israel.
“Waxaan u arkaa in xaaladda halkaas ka jirta ay khatar weyn tahay,” ayay tiri Haskel. “Waxayna saameyn doontaa dunida intiisa kale.”
Haskel ayaa intaa ku dartay in Xuutiyiinta ay saameyn ku leeyihiin gobolka, “Soomaaliya waxay saamayn weyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha, kalluumeysiga, marin-badeedka iyo alaabta mara waddooyinkaas.”
Warbixin Qaramada Midoobay oo horraantii sannadkan la soo saaray ayaa sheegtay in ay jirto “xiriir horumaraya” oo u dhexeeya dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen iyo Al-Shabaab, inkastoo aan faahfaahin buuxda laga bixin nooca xiriirka.
Falanqeeyayaal iyo mas’uuliyiin gobolka ka tirsan ayaa horey u sheegay in xiriir noocaas ah uu noqon lahaa mid aan caadi ahayn, maadaama Xuutiyiintu ay yihiin dhaqdhaqaaq Shiico ah halka Al-Shabaab ay tahay urur Suni ah oo leh fikrado aad u kala duwan.
Haskel ayaa sheegtay in xiriirka la sheegay uu muujinayo “Iran oo ku sii fidaysa qaaradda Afrika,” balse ma aysan bixin wax caddeyn ah oo arrintan taageeraya. Waxay sidoo kale sheegtay in Iran ay ka dambeyso kooxo kale oo Salafi-jihadi ah oo Afrika ka jira, sida Boko Haram oo horey u tirsanayd kooxda ISIS, islamarkaana Iran u aragto cadow.
Haskel ma aysan faahfaahin xiriirka Israel la leedahay Soomaaliya, mana aysan sheegin in arrintani ay qayb ka tahay qorshayaal kale oo gobolka lagu horumarinayo, kuwaas oo warbaahinta caalamiga ah ay bishii u dambaysay ka hadashay.
Warar hore oo ka soo baxay Israel iyo dibadda ayaa sheegaya in Israel ay sahamisay heshiisyo suurtagal ah oo ay la geli karto qaar ka mid ah dalalka Afrika, waxayna isha ku haysaa maamulka Somaliland, oo ku yaala waqooyiga Soomaaliya.
Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diiday qorshe Qaxootiga Falastiin lagu dejinayo dhulkeeda, iyadoo marar badan sheegtay in aysan la yeelan wadahadallo noocaas ah wax dowlad shisheeye, islamarkaana ay ka soo horjeedo dhammaan qaababka barakacinta khasab ah.
Haskel ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca xiriirka cusub ee Israel la yeelatay Soomaaliya.



