Muqdisho, 30 Juun 2025 – Wararka naga soo gaaraya xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday israsaasayn culus oo dhex martay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Rasaasta ay is-weydaarsadeen ciidamada ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la xaqiijiyay in qaar kamid ah dadka shacabka ah iyo askarta dagaalamaysay ay waxyeello soo gaartay. Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaastu ay socotay muddo kooban balse si daran loo maqlayay.
Dadka deegaanka Shiirkole ayaa ku hoyday cabsi iyo walaac xoogan, maadaama ay si lama filaan ah u dhex martay israsaasaynta ciidamo kawada tirsan dowladda, iyadoo aan wax tixgelin ah loo muujin dadka rayidka ah ee ku nool xaafaddaasi.
Ilaa iyo haatan, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sababta ay israsaasayntu u dhacday iyo cidda ka dambeysay.
Israsaasaynta noocan ah oo ay dhex marto ciidamada dowladda ayaa mararka qaar kusoo noqnoqda magaalada Muqdisho, taasoo khatar ku ah nolosha shacabka ku sugan goobaha lagu dagaallamayo. Dadka deegaanka ayaa baaq u diray dowladda, iyagoo dalbanaya in la xakameeyo falalka noocan oo kale ah si loo sugo ammaanka caasimadda.




