Itoobiya: DF Soomaaliya ma maamusho meel ka baxsan xarunta madaxtooyada

0

ADDIS ABABA(SMN) l Itoobiya ayaa ku tilmaantay dowladda Soomaaliya mid dafiic ah, oo aan xukunka dalka oo dhan gacanta ugu jirin, islamarkaana ka taliso oo kaliya magaaladda Muqdisho.

 

“Dowladda Soomaaliya hadda ma maamusho meel aan ka ahayn Villa Soomaaliya,” ayuu yiri Tedela, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa beenisay in ciidamadeeda ay ka gudbeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya kadibna iska hor-imaad la galeen askarta dowladda Federaalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Baalle ayaa dhawaan ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah uga soo talaabeen dalkiisa, islamarkaana ay ka abuureen qalqal amni iyo xalisooni darro.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyou Tedela, ayaa beeniyay eedeymaha, isagoo ku tilmaamay “mid aan sal iyo raad lahayn.”

“Ma jiraan ciidamo cusub oo aan ahayn kumannaan askari oo Itoobiyaan ah oo qayb ka ah (ATMIS) oo la dagaallamaya Al-Shabaab, oo Soomaaliya u dirnay,” ayuu yiri Afhayeenka.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya aysan samaynin wax howlgal ah xadka ay wadaagaan Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayuu ku sheegay in ay jiraan askarta la tababaray oo Itoobiyaan ah oo la geeyay xeryo ciidan oo ku dhow deegaanada xuduudka balse aan lagu xad gudbin xuduuda Soomaaliya.

31-kii May, Xuseen Sheekh Cali, La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhammaan Ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan December 2024, isagoo intaa sku daray in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin Ciidan cusub oo ka socda Midowga Afrika oo ilaalin doono xarumaha dowladda.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku jooga Soomaaliya labo waji, mid ay uga mid yihiin ATMIS, iyo waji kale oo heshiis amni ah oo labada dowladood ku jireen. Laakiin hadda maadaama xiriirka labada dal xumaaday, waxaa dalka laga saarayaa dhamaanka askarta Itoobiyaan oo jooga gobolada Baay, Bakool, Hiiraan iyo Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayaa dalka soo galay 2006 xiligaas oo u yeeratay dowladdii KMG ahayd ee allah ha u naxariistee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana markii dambe ku biireen howlgalka Midowga Afrika oo la abuuray sanadkii xigay ee 2007.

Faragelinta iyo kala qeybinta Itoobiya kawado Soomaaliya ayaa Xukuumadda Federaalka waxay ku tilmaantay khatar dhan ah amniga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here