ADDIS ABABA (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay maqaaxida Geeldoox ee magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa cambaareysay weerarka oo ay ku tilmaantay fal argagixiso oo fool xun, waxayna tacsi u dirtay qoyskii uu ka geeriyooday.
Itoobiya waxa ay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagto shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada, ayaa warsaxaafadeedka ay wasaaraddu sii raacisay.