Itoobiya oo difaacday heshiiska badda ay la gashay Somaliland

0

ADDIS ABAABA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Faye Atske ayaa si kulul u difaacay heshiiska badda ay la gashay dowladiisa maamulka Somaliland horaantii sanadkan, kaasoo dowlada Federaalka ay ku tilmaantay daandaansi dagaalka iyo xad gudub lagu sameeyay madax-banaanida dalka.

 

“Ujeedkeena heshiiska badda ee aan la galnay Somaliland wuxuu ku salaysan yahay hormar dhaqaale oo la wadaago iyo barwaaqo inuu gaaro gobolka, marka ma jirto sabab dowladda Soomaaliya u abuurto colaad taasoo ujeedkeedu yahay inay diirada shacabkeeda uga weeciso khilaafaadka gudaha dalka Soomaaliya ka jira, sidaas darteed waxaan si adag u diidayaa eedeymo aan waxba ka jirin ee loo jeedinayo dalkayga, waxaana ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya inay xoogga saarto sidii looga adkaan laaa kooxaha argagaxisada dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sheegay wasiirka in faragelinta cusub ee Masar aysan u wanaagsanayn xaaladda hadda ka jirta gobolka, isagoo xusay inay saameyn ku yeelan doonto hadii Ciidamo Masaasri ah yimaadaan Soomaaliya guulihii sida dhibka badan lagu gaarey ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay shirka QM, Wasiirka ayaa tilmaamay inay Itoobiya dhiig u bixisay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana wali ka ka go’an tahay inay sii wado taageerada dowladda Federaalka, oo ku tiirsan Ciidamo ka socda Howlgalka Midowga Afrika, oo Itoobiya qeyb wayn ka tahay.

“Waxaan ku kalsoonahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xisaabtami doonto ayna aqoonsan doonto naf-hurnimada aan u hurnay Soomaalida sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada.”

Wasiirka ayaa ugu baaqey Masar inay joojiso ficilada cusub iyo dhaq-dhaqaaqyada ay kawado Soomaaliya, oo Itoobiya ka digtay inay horseedi karaan dagaal, maadaama Masar iyo Itoobiya horey xiriirkooda meel xun u marayay, oo isku hayaan webiga Nile mudo 12 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here