Itoobiya oo isha ku haysa dekad wayn oo ku taalla Soomaaliya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wada-hadallada Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ee ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka dekedda magaalada Berbera ayaa meel wanaagsan maraya,  sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya ee EPA, iyadoo soo xiganaysa wasiir ka tirsan xukuumadda Abiy Ahmed.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa bishii Oktoobar sheegay in helitaanka dekada badda cas ay tahay “arrin muhiimad gaar ah u leh” dalkiisa, hadalkaas oo walaac ku abuuray dalalka deriska la ah Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, balse Midowga Afrika (AU) iyo QM midna uma aqoonsana inay tahay dal madax-bannaan.

Wasiirka gaadiidka ayaa xusay in Itoobiya ay isticmaasho dekedda Jabuuti 95% badeecadaha ay kala soo degto iyo kuwa ay ka dhoofiso, wuxuuna wasiirku sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, isla markaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here