Itoobiya oo ka jawaabtay hadal kasoo baxay Villa Somalia

0

ADDIS ABABA – Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay beenisay in war rasmi ah ka heshay dowladda Federaalka kaasoo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

 

Hadalkan ayaa yimid kadib markii La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Maclin uu shaaciyay qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS, kaasoo ah December 2024.

Nebiyu Tedla, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyay in dowladda Itoobiya aan lagu wargelin ka bixitaan noocaas ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inaysan jirin xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo dhanka Soomaaliya ka soo baxay oo arrintan ku saabsan.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wali ay bilaabmi doonaan wada tashiyo ku saabsan sidii loo bedeli lahaa ciidamada ATMIS-ka, isla markaana wejigii uu socday uu wali socdo. Kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Itoobiya, Soomaaliya, iyo howlgalka Midowga Afrika.

Waxaa xaalada cakiray heshiiskii “Sea Gate” ee ay dhawaan wada gaareen dowladda Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo sida la sheegay ka carooday dowladda Soomaaliya. Taasi waxay keentay in dowladda Soomaaliya ay muujiso rabitaankeeda ku aadan in ciidamada Itoobiya ay dalka isaga baxaan dhamaadka sanadka 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here