Itoobiya oo la shirtay odayaasha dhaqanka Gobolada Gedo, Baay iyo Bakool

0

XUDUR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saraakiisha Itoobiya ay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen halkaas, iyaga oo kulamo la qaadanayo odayaasha dhaqanka.

 

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Itoobiya ay shir isugu yeertay odayaasha dhaqanka ee gobollada Gedo, Baay iyo Bakool oo ay ka howlgalaan ciidamadeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamadan oo ka dhacay deegaanada xiga dhanka xadka labada dal diiradda lagu saaray xiisadda haatan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here