Itoobiya oo looga digay inay qaado tallaabo khalkhal gelinaysa xasilloonida Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa fariin luuqad adag lagu qoray u diray dowladda Itoobiya kadib markii ay kusoo xad-gudubtay madax-banaanida Soomaaliya, iyadoo isku dayaysa inay si sharci darro ah ku qaadato badeeda.

 

Kulanka ka dhacay Todobaadkan magaalada Qaahira oo ay yeesheen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa laga soo saarey mar-murtiyeed lagu taageeray dadaallada dowladda Soomaaliya ee difaaca madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Shirka Qaahira oo uu ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Maclin Fiqi, waxaa si wadajir ah lagu diiday isku dayo kasta oo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo qaranimada Soomaaliya.

Wasiirada ayaa ugu baaqay Itoobiya, inay ka fogaadaan falalka wax u dhimaya xasiloonida Soomaaliya.

Waxaa lagu booriyay Itoobiya inay ku dhaqanto mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta la’aanta iyo ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed dalalka deriska la ah, gaar ahaan Soomaaliya oo hadda xiisada xoogan kala dhaxaysa, taasoo salka ku haysa heshiiska Abiy Axmed Addis Ababa kula galay 1-dii bishii January 2024 hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Itoobiya ayaa heshiiskan ku doonaysa inay ku hesho 20Km bad ku fadhisa, oo saldhig ciidan iyo dekada ka dhisanayso hadii uu u hergelo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Issa Kayd oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in is-afgaradka loo bedelayo heshiis rasmi ah, islamarkaana ay dhaqan-gelin doonaan labada dhinac.

Waxaa lagu wadaa in wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay 17ka bishan Ankara ku yeeshaan kulankoodii 3aad, oo dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadinayso, lama oga in dhinacyada ay ka heshiin doonaan arrimaha la isku hayo ee badda la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here