Itoobiya oo saldhig cusub ka dhisaneysa Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta duleedka magaalada Baydhabo laga dhagax dhigay dhismaha saldhig cusub oo ay dagi doonaan ciidamada Itoobiya ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Baay iyo Bakool.

 

Dhagax-dhigga saldhigga waxaa goobjoog ahaa wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir iyo saraakiil ka socota Itoobiya oo diyaarad Helcopter ah ku tegay halkaasi.

Saldhiggan laga hirgelinayo agagaarka Baydhabo, ayaa waxa uu fariisin u noqon doonaa ciidamada Itoobiya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Itoobiya ay isku sii fidinayaan deegaano horleh oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay gaareen tuulooyin ku yaalla gobolladaasi, halka markii hore ay ku sugnaayeen degmooyinka waa wayn oo kaliya.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa muujinayo in Itoobiyaanka ay isku ballaarinayaan deegaanada Koonfur Galbeed, xilli weli halkeedii tahay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Waxaa kale oo arrimahan ay u muuqdaan in dowladda Itoobiya aysan diyaar u aheyn in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, kuwaas oo hadda qayb ka ah howlgalka ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya oo ka duuleysa qorshaha Itoobiya ayaa dhankeeda heshiis cusub oo amni la gashay Masar oo kumanaan askari usoo direysa gudaha Soomaaliya, kuwaas oo kamid noqonayo howlgalka cusub ee bilaabanaya marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here