Itoobiya oo Sheegtay Inay Difaaci Doonto Danaha Qaranka ee La Xiriira Badda

0

Addis Ababa – Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa si adag u muujiyay in ay diyaar u yihiin difaaca danaha qaranka ee la xiriira arrinta badda, taasoo noqotay mid si isa soo taraysa ugu jirta hadal-heynta siyaasadeed iyo amni ee gobolka.

 

Afhayeenka ciidamada, Sareeye Guuto Getnet Aadan, ayaa war-saxaafadeed uu siiyey Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ku sheegay in ciidamada difaacu ay feejignaan dheeri ah u leeyihiin arrimaha khuseeya “badda,” isagoo tilmaamay in ay ka mid tahay arrimaha ugu mudan ee ay dowladda iyo ciidamada difaacaba u arkaan “dano qaran oo aan laga tanaasuli karin.”

“Xuquuqda isticmaalka biyaha iyo arrinta badda waa qodobo sal u ah jiritaanka dalkeenna,” ayuu yiri Sareeye Guuto Getnet, isagoo intaas ku daray in ciidamada ay ka go’an tahay inay jawaab adag ka bixiyaan dhibaato kasta oo laga soo abaabulo arrimahaasi.

Sidoo kale, Taliyaha waaxda shaqaalaha ciidamada, Lieutenant Jeneral Achalu Shallamee, ayaa sheegay in dallacaadaha dhawaan lagu sameeyay saraakiisha sare ee ciidamada ay la xiriireen baahida loo qabo hoggaan ciidan oo leh karti iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xaaladaha amni ee gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira arrinta badda.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Itoobiya ay horay u muujisay rabitaankeeda ah in ay hesho marin badeed rasmi ah, arrintaasoo dhalisay dood iyo falcelin xooggan oo ka timid dalalka dariska ah, gaar ahaan Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya weli si cad uma shaacin wax heshiis ah oo rasmi ah oo ku saabsan arrinta badda, hase yeeshee hadallada mas’uuliyiinta milatari waxay muujinayaan in mawduucan uu yahay mid sare uga jira ajandaha difaaca iyo siyaasadda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here