Itoobiya oo sii iibsanaysa Maraakiib ganacsi

0

ADDIS ABABA – Ethiopia ayaa qorsheynaysa inay soo iibsato lix markab oo cusub oo kuwa xamuulka qaada, si ay u xoojiso awooddeeda ganacsiga badda, oo ku tiirsan in ka badan 12- milyan oo qof oo dalkaas ku nool.

 

Maraakiibta ayaa waxay Itoobiya ku soo iibsanaysaa qiimo dhan 250 milyan oo doolar, waxayna ku biiri doonaa 10 markab oo horey u lahayd, kuwaasoo isticmaalada dekada Jabuuti, maadaama uusan dalka bad lahayn.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ballaarinta maraakiibta ay xoojin doonto ganacsiga iyo maalgelinta Itoobiya iyadoo dalka uu raadinayo inuu gaaro badda Cas, taasoo cabaqad wayn kala kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horey u sheegay in xoog iyo xeelad midkooda Itoobiya bad ku heli doonto.

Itoobiya ayaa ku tiirsan dekedda Jabuuti oo wax kala soo degto, kana dhoofiso waxyaabaha uu soo saaro dalkaas, ee loo iib-geeyo suuqyada caalamka.

Abiy Axmed ayaa dhawaan yimid Muqdisho, isagoo booqasho loogeeyay xeebta Liido, waxaana wararka ay sheegayaan in Itoobiya wadahal ku raadinayo isticmaalka badda Soomaaliya, iyadoo ka tanaasushay heshiiskii Somaliland, maadaama uu ahaa mid sharci-darro ah, oo cambaareyn kala kulantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here