Itoobiya oo walaac amni ka muujisay Ciidamada Masar ee la geynayo Soomaaliya 

0

ADDIS ABABA – Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa uga digay baarlamaanka dalkiisa in joogitaanka ciidamada Masar ee gudaha Soomaaliya uu khatar sii kordheysa ku yahay amniga qaranka Itoobiya.

 

Berhanu oo Sabtidii warbixin siiyay baarlamaanka ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ay ku joogaan magaca iskaashi, balse ay wataan ujeeddooyin halis ku ah madax-bannaanida Itoobiya.

Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Masar, hadalkiisa ayaa yimid kaddib heshiis milatari oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024, kaas oo ogolaanaya in ilaa 10,000 askari oo Masri ah loo daadgureeyo Soomaaliya.

Qayb ka mid ah ciidamadaas ayaa la filayaa inay hoos yimaadaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, halka kuwa kalena ay si toos ah u hoos tagi doonaan dowladda Masar. Heshiiska ayaa sidoo kale ogolaanaya in hub loo wareejiyo Soomaaliya.

Itobiya ayaa ka digtay in joogitaanka milatari ee sii kordhaya ee Masar uu yahay qorshe istaraatiiji ah oo lagu hareeraynayo ama lagu wiiqayo Itoobiya, xilli ay labada dal muddo dheer isku hayaan mashruuca biyo xireenka Wabiga Nile ee GERD. Itoobiya waxay u aragtaa mashruucaas inuu yahay horumar qaran, halka Masar ay u aragto hanjabaad ku wajahan helitaanka biyaha Nile.

Taliyaha ciidanka Itoobiya wuxuu sheegay in xaaladda isbeddelaysa ee gobolka ay Itoobiya ku khasbeyso in ay dib u eegto istaraatiijiyaddeeda amni ee Soomaaliya, isagoo xusay in joogitaankooda halkaas uu markii hore ahaa mid lagu taageerayo xasiloonida iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar ayaa kusoo beegmay kaddib markii Itoobiya ay saxiixday is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, kaas oo siinaya Itoobiya marin badeed, arrintaas oo si kulul uga caro gelisay dowladda federaalka Soomaaliya. Inkastoo wadahadallo Turkigu dhexdhexaadiyay ay xaalada dejisay, haddana Itoobiya weli si cad ugama aysan tanaasulin heshiiska ay la gashay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here