ITUC Oo Walaac Ka Muujisay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

GENEVA, Switzerland — Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ITUC), oo matala in ka badan 200 milyan oo shaqaale adduunka oo dhan, ayaa walaac xooggan ka muujiyay  go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya, inuu noqdo dal madax-bannaan.

 

ITUC ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu ka hor imanayo sharciga iyo wada-shaqaynta caalamiga ah, isla markaana uu ordhin karo xiisadda gobolka Geeska Afrika oo haatanba aan cago badan ku taagneyn.

Ururku wuxuu adkeeyay in aqoonsiga dowladnimadu uu noqdo mid ku salaysnaado sharciga caalamiga ah, wada-hadal ballaaran, iyo ogolaanshaha dadka ay khusayso.

ITUC ayaa sidoo kale muujisay taageerada Ururka Shaqaalaha Soomaaliya (FESTU) iyo ITUC-Africa, iyadoo digtay in tallaabooyinka halka dhinac ah ay khatar ku yihiin nabadda, amniga, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya.

ITUC waxay ugu baaqday Israa’iil inay dib uga fiirsato go’aankeeda, ixtiraamto madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana waafajiso tallaabooyinkeeda qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay. Waxay sidoo kale ugu baaqday dowladaha kale inay ka fogaadaan tallaabooyin hal dhinac ah oo sameyn ku yeesha amniga Gobolka.

Ururku wuxuu sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay taageeraan wada-hadal, is-dhexgal, dhisidda nabadda, maamul dimuqraadi ah, iyo xasillooni waarta Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

“Xushmeynta sharciga caalamiga ah, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed waa lama huraan si looga hortago colaadaha loona ilaaliyo amniga dadka,” ayaa lag yiri bayaan ka soo baxay Ururka ITUC“, iyadoona mar kale ku adkaysay ka go’naanteeda xuquuqda shaqaalaha, nabadda, iyo caddaaladda bulshada caalamiga ah.

ITUC ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto taageerada shaqaalaha Soomaaliyeed, ururradooda shaqaalaha, iyo dhammaan dadka u halgamaya nabadda, midnimada, iyo caddaaladda bulshada dalka iyo gobolka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here