Jaamacadaha iyo Iskuulada Muqdisho oo ku dhawaaqay shaqo jooojin + Video

0

MUQDISHO (SMN) – Bahda waxbarashada oo maanta magaalada Muqdisho ku shiray ayaa sheegay inay muddo saddex maalmood ah joojiyeen shaqada, taas oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtid ah.

 

Sababta ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka dhiidhiyaan dilkii arxan darrada ee iskuulka Siidii loogu dhex gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar.

Sidoo kale bahda waxbarashada ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha oo haatan baxsad ka ah cadaaladda.

”Waxaa sax noqotey wuu dhintey wuu baxsadey, wasarada waxbarashada illaa hadda wax tacsi ah ma dirin” ayuu yiri Macallin Cumar Julleri oo goobta ka hadlay.

Halkan hoose ka daawo Warsaxaafadeedka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here