Jaamacadda Carabta oo soo dhoweysay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya

0

QAAHIRA — Jaamacadda Carabta ayaa soo dhoweysay ansixinta iyo dhaqangalka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dhismaha hay’adaha dowladnimo iyo nidaamka sharci ee dalka.

 

Xoghayaha Guud ee ururka, Ahmed Aboul Gheit, ayaa bayaan uu soo saaray ku hambalyeeyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ansixinta rasmiga ah ee dastuurka, isaga oo ku tilmaamay “guul taariikhi ah” oo loo qaaday dhanka dhammaystirka hay’adaha dowladeed iyo horumarinta xasilloonida siyaasadeed.

Aboul Gheit ayaa sheegay in dastuurkan cusub uu aasaas u noqon doono xoojinta sarreynta sharciga, horumarinta nidaamka garsoorka iyo kala xadaynta awoodaha hay’adaha dowladda, isla markaana uu dammaanad qaadayo ilaalinta xorriyaadka aasaasiga ah iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in dastuurku uu door muhiim ah ka qaadan doono adkeynta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta wadajirka dhammaan gobollada dalka.

Afhayeenka rasmiga ah ee ururka, Gamal Roshdy, ayaa dhankiisa sheegay in ansixinta dastuurka ay ka tarjumeyso dadaallada socda ee lagu doonayo xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara oo ka hirgala Soomaaliya.

Bayaanka ayaa ugu dambeyn lagu caddeeyay in Arab League ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya si loo xoojiyo amniga, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here