Jabuuti oo bad siineyso Itoobiya si loo xaliyo khilaafka kala dhaxeeya Somalia

0

JABUUTI (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Itoobiya siiyo dekad ay si buuxda u maamulato, si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya oo salka ku haya heshiiskii badda uu Abiy Ahmed la galay horaantii sanadkan Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

 

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xusay in Itoobiya ay siinayaan bad ay isticmaasho oo ku dhaw xadkeeda, wuxuuna dhanka kale sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhawaan kula kulmi doono dalka Shiinaha Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Jabuuti ayaa shaacisay inay ka go’an tahay ka shaqeynta xal u helida mushkiladda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya oo sii xumaanaysa, iyadoo fashil kusoo dhamaadeen wadahadaladii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here