NEW YORK – Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo dheeraad ah u direyso Soomaaliya si ay gacan uga geysato la-dagaallanka Al-Shabaab, iyada oo markale xaqiijisay doorkeeda muhiimka ah ee nabadeynta iyo xasillinta gobolka Geeska Afrika.
Ergeyga Joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Maxamed Siad Doualeh, ayaa arrintan ku shaaciyay khudbad uu ka jeediyay fadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Talaadadii.
“Jabuuti waxay si weyn u bogaadineysaa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhismaha dowladnimada iyo amniga, balse wali waxaa jira caqabado weyn oo u baahan in si wadajir ah loola tacaalo,” ayuu yiri Doualeh.
Isagoo muujinaya garab istaagga dalkiisa ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Doualeh wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Jabuuti iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo oggolaanaya in ciidamo dheeraad ah oo Jabuutiyaan ah loo diro Soomaaliya.
Ciidamadan cusub ayaa kaalin ka qaadan doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xasillinayo deegaannada laga xoreeyay, iyagoo ka tirsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM (African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia).
Amb. Doualeh ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in weerarrada argagixisada ay weli halis ku yihiin shacabka, ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gargaarka.
Jabuuti ayaa kamid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo nabad-ilaalin ah u dira Soomaaliya, tan iyo markii Midowga Afrika uu howlgal ciidan ku bilaabay dalka in ka badan toban sano kahor. Waxaana ay door muhiim ah ka ciyaartay dadaallada lagu xasillinayo Soomaaliya.




